WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Deni oo Eed u jeediyay DF, Digniina Culusna u diray Muuse Biixi

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta daahfuraayey kalfadhiga 54 Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneeysa oo kaga hadlayay xaaladaha Dalka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani oo ka hadlay arrimaha Dagaalka Laascaanood ayaa sheegay in Taliska ciidamada Muuse Biixi Cabdi ay gobolada Sool iyo Sanaag ka geysteen gabood falo waaweyn oo lagula xisaabtami doono.

Wuxuu sheegay Deni in Dagaalka Laascaanood ay ku dhinteen 334 qof, halka ee ku dhaawacmeen dadka kor u dhaafayo 3500 ruux, ayna sidoo kale ku barakaceen Daaglkaasi khasaaraha badan dhaliyay dad gaaraya 200 oo kun qoys .

Sidoo kale Madxweeyne Saciid Cabdullaahi Dani oo carabka ku dhuftay nuuca talaaabo ay qaadi karaan maamulkiisa Puntland, isagoo xusay in hadii Somaliland ay joojin dagaalka Laascaanood uu ka maamul ahaan Putaland uu qaado talaabo Milateri.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa ku sheegay in wixii wada-xaajood ah iyo doorka Puntland ee dhammeystirka Dawlad dhiska Soomaaliya ay dowladda Federaalka ay toos ugala hadli doonaan.

Saciid Deni ayaa uu soo hadal qaaday khilaafka ka taagan Gobolka Gedo, nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federaalku ku cadaadiso Gobolka Gedo wixii ay kaga cabanaysay Xukuumaddii hore.

DAAWO: Deni oo Eed u jeediyay DF, Digniina Culusna u diray Muuse Biixi
To Top