WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dad badan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxii Muqdisho

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii qaraxa ahaa ee xalay lagu qaaday Maqaayadda Top Coffee oo kutaalla kasoo horjeedka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo u dhow Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Qaraxa oo ahaa Gaari weyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa lagu dhuftay Darbiga hore ee Magaayadda, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad kor u dhaafaya ilaa 30 ruux, kuwaas oo isugu jiray kuwo fadhiyay Bannaanka maqaayada, dad Gudaha kujiray iyo kuwo wadada marayay oo saarnaa Mootooyin bajaaj ah.

War kasoo baxay Booliska soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka qaraxa ah ay ku dhinteen ilaa 5 Ruux halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen, hayeeshee wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah dadkii dhaawacyada lagu qaaday ay geeriyoodeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo beegsaday Maqaayadda oo dad u badan dhalinyaro ay ku daawanyeen Ciyaarta Kubadda Cagta ee u dhaxeysay Xulalka Spain iyo Ingiriiska, halka kuwo kale ay ku shaahayeen, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda Weerarkaasi.

DAAWO: Dad badan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxii Muqdisho
To Top