WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dab khasaaro badan dhaliyay oo ka kacay Suuqa Jowhar

Dab khasaaro hantiyadeed dhaliyay ayaa Maanta oo sabti ah ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kadib markii uu dab xooggan uu qabsaday qeybo kamid ah Suuqa magaaladaasi.

Qaar kamid ah dad deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay inuusan jirin khasaare nafeed oo uu dabka geystay, hayeeshee khasaaraha badan uu ku eg yahay hantidii shacabka ee Suuqaasi ku gubatay.

Jowhar oo aan lahayn gaari dam-damis ah ayaa sababtay in dabku aad u faafo dadkuna taag u waayaan inay degdeg u damiyaan xili ay biyo iyo caro gacmahooda ku soo dal dalayeen si ay ugu damiyaan.

Maamulka Hirshabelle ayaa mar danbe cagaf-cagafyo ku soo biirayay dadaalada dabka lagu bakhtiijnayay inkastoo ugu dambeyn mar danbe dabkii la damiyay. Shacabka Jowhar ayaa badankood waxay cadeeyeen in hantida ugu badan ee meesha ku gubatay ay tahay dalaga sisinta oo la joogay xiligii beeraha laga soo guray iyo lacago shilin somali ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Boqolaal loor oo si sin ah, saliid laga sameeyay sisinta iyo lacago intaba ayaa bakhaarada ku gubtay ,waxayna sheegeen shacabka la wareystay qaarkood in shalay oo sabtiya sisintaasi Suuqa keenay si ay u iib-geeyaan,  balse Maanta ay ka gubatay.

DAAWO: Dab khasaaro badan dhaliyay oo ka kacay Suuqa Jowhar
To Top