WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dab dhaliyey khasaaro lixaad leh oo ka kacay Suuqa ugu weyn ee Hargeysa

Dab khasaaro farabadan dhaliyey ayaa xalay ilaa iyo saaka ka ololaya Suuqa ugu weyn Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo baabi’iyey goobo Ganacsi oo ku yaallay Suuqaas, waxaana kasoo baxaya Dabka faah faahino dheeraad ah.

Dabkaan ayaa Suuqa Hargeysa ka bilowday fiidnimadii xalay, wuxuuna kusii faafay qeybo kamid ah Suuqa, isla markaana waxaa adkaatay deminta dabka oo aad u xoogan, iyadoona Dabka uu weli ka ololayo Suuqa, kuna sii fidayo meelo hor leh.

Gaadiidka dab demiska Somaliland iyo Gaadiid kale oo gurmad ahaan dowlad deegaanka Soomaalida ugu soo dirtay Somaliland ayaa ku howlan deminta dabkaas oo saacado badan qaatay demintiisa, waxaana socda gurmadyo kala duwan oo la sameeynayo.

Goobo Ganacsi oo aad u farabadan ayuu dabka ka kacay Suuqa Magaalada Hargeysa baabi’iyey, iyadoona dabka ay ku baabe’een Hanti farabadan oo taallay goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqa, sida ay warbaahinta u sheegeen Mas’uuliyiin kala  duwan oo ka tirsan Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Dab dhaliyey khasaaro lixaad leh oo ka kacay Suuqa ugu weyn ee Hargeysa
To Top