WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ciidanka Xoogga oo maanta u dabbaaldegay sanadguuradii 62-aad (Dhoola-tus)

12-ka April waa maalin weyn oo ka mid ah maalmaha qaran ee shacbiga Soomaaliyeed ay u dabbaaldegaan xuska maalinta ciidanka xoogga oo ah munaasabad lagu soo bandhigo  taariikhda iyo raadadkii  dhaxalka ahaa ee ay ka tageen dadkii iyo kooxihii u soo halgamay midnimada iyo difaaca dalka.

Inkastoo xuska sanadkaan uu u muuqda mid ku soo beegmay xilli kala guur ah, haddana, ujeedka guud ee munaasabaddaan ayaa ah in la muujiyo qiimaha iyo awoodda gaarka ah ee ay leeyihiin Ciidamada Xoogga oo marna ah difaacayaasha dalka, mrna ah badbaadiyaasha shacabka.

1960-kii, gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii ugu horeysay ee loo howlgalay aasaaska iyo dhismaha ciidamo habeysan oo u qalma,gaar ahaan  in lagu aamino dalka iyo guud ahaan ka qeybgalka howlgalada ciidan ee qaaradda,iyo kan  gobolka.

Ciidamada Xoogga ayaa Maanta dhoola-tus Cajiib ah kusoo bandhigay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, waxaana Ciidanka salaan sharafeed ka qaatee Madaxweyne Farmaajo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Ciidanka Xoogga oo maanta u dabbaaldegay sanadguuradii 62-aad (Dhoola-tus)
To Top