WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Booliska oo gacanta ku dhigay Burcad dhac ka geysaneysay Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa iska horimaad kooban oo xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysan oo burcad ahaa, kuwaasi oo dhac geysanayey.

Falkaan oo ka dhacay xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii dadka deegaanka oo arkay burcada hubeysan ay ku wargeliyeen Ciidanka ammaanka oo durbadii goobta soo gaaray, rasaasna bilaabay.

Ciidamada booliiska ayaa marka ay soo gaareen xaafada Ceelqalow waxa ay ku dagaalameen kooxaha burcada hubeesan oo watay qoryo iyo mootooyin nuuca bajaajta ah, waxaana dagaal muddo kooban socday halkaasi ku dhax maray labada dhinac.,

Ciidamada ammaanka ku guuleesteen in ay qabtaan shan nin oo kamid ahaa burcada dhaca u geesaneysay dadka shacabka ah iyo labo mooto bajaaj ay adeegsanayeen ,kuwaa oo lagu xiray saldhiga booliska Wadajir.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Booliska oo gacanta ku dhigay Burcad dhac ka geysaneysay Muqdisho
To Top