WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Booliska Galmudug oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday Dhuusamareeb

Shaqaaqo u dhexeeysay Ciidamo ilaalo u ah Musharaxiinta kala ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Aadan Kulane ayaa xalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shaqaaqada dhacday, ay ka bilaabay tuhun la xiriira Telefoono la dhacay, isla markaana arrinta oo aheyd mid yar si deg deg ah loo xaliyey.

Taliye Maxamed Aadan ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Saraakiisha Ciidanka Maamulka kala dhex-galeen Ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay, isla markaana Askar fowdo sameeysay lagu xiray Saldhiga Booliska Magaalada.

Taliyaha ayaa intaas kusii daray hadalkiisa in Musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku sugan Caasimadda Galmudug ee wata ilaalada aan laga aqbali doonin in gudaha Magaalada ku ridaan rasaas dabaal-deg ah, taasi oo uu xusay inay waxyeeleyn karto dadka shacabka ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Booliska Galmudug oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday Dhuusamareeb
To Top