WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Banaanbax rabashado watay oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararka aan ka heleyno Magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay xilli dambe uu halkaasi ka dhacay Banaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka kunool Magaaladaas.

Banaanbaxa oo ahaa mid rabshado watay  ayaa waxaa looga soo horjeeday xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana intiisa badan dhigayay dad u badan dhalinyarada Magaalada.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah Somaliland, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan dilal ka dhacay Magaalada laascaanood oo qaarkood ay ku lug leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Dad ku sugan Magaalada ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamada Somaliland ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay oo qaarkood dhagxaan ku tuurayay Ciidamada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Banaanbax rabashado watay oo ka dhacay Magaalada Laascaanood
To Top