WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Abwaan Badal Jaamac oo Maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta qabuuro ku yaalla degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir lagu aasay Allaha u naxariistee Abwaan Baddal Jaamac Xirsi oo kamid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Boqolaal dadweyne oo isugu jiray Ehelo, qaraabo iyo Asxaab ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuum Baddal Jaamac Xirsi oo kooxo ku hubeysnaa Bastoolad toogteen, xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo tukaday salaadii  maqrib ee xalay.

Dhammaan dadka qeyb galay Aaska Abwaan ayaa Alle Marxuum Baddal Jaamac Xirsi uga baryey inuu u naxariisto, isla markaana Samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed.

Abwaanka ayaa ka mid ahaa Suugaanyahanada Soomaaliyeed ee dareenkooda sida geesinimada leh ugu cabira xaaladaha adag ee ka jira, waxaana geeridiisa ka naxay dad badan oo si weyn u garanayey.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Abwaan Badal Jaamac oo Maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho
To Top