WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Aaska loo sameeyay AUN fanaanadii Khadro Daahir Cigge

Allaha u naxariistee waxaa Maanta barqadii khabuuro ku yaalla Xaafadda Halleeye ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Hargeysa lagu Aasay meyda fanaanadii hore ee Khadro Daahir Cigge oo xalay ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.

Maalmihii la soo dhaafay ay xanuun soo wajahay la jiiftay Isbitaalka International ee magalaada Hargeysa, halkaas oo ugu dambeyn ku geeriyootay, waxaana Aaska Maanta ka qeyb galay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici, Xubno kamid ah Golaha Wasiirada, Abwaaniin, Ehellada Marxuumadda iyo dadweyne kale.

Abwaaniinta iyo Fanaaniinta Aaska ka qeyb galay ayaa waxaa kamid ahaa Saalax Qaasim Naaji iyo Abwaan Dacar, iyaga oo ka sheekeeyay taariikhda fanaannada iyo waxa ay ka yaqaaneyn, waxaana ay Alle uga baryeen  in uu Janada Fardowso ka waraabiyo.

Alle ha u Naxariistii Khadro Daahir Cigge oo mar kamid aheyd Hobolada Waaberi ayaa waxaa ay Magaalada Hargeysa ku dhalatay sanadkii 1957-dii halka fanka ay kusoo biirtay sanadkii 1974-tii, waxaana ugu dambeyn ay fanka ka baxday sanadkii 2002-dii.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA AASKA

DAAWO: Aaska loo sameeyay AUN fanaanadii Khadro Daahir Cigge
To Top