WARARKA SOOMAALI

Cumar Cabdirashiid iyo Gaas oo dhowr Qodob kasoo saaray xaalada Puntland

Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa War ka soo saaray waan-waantii ay ka wadeen Puntland.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa waxa ay ku sheegeen in muddo tobaabad ah ay ku sugnaayeen Puntland, ayna halkaasi u joogeen xal u helida khilaafyada ka taagan Puntland ee salka ku haaya doorashooyinka.

Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa soo jeediyey qodobo dhowr ah oo kamid yihiin: In sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada Golaha deegaanka saddexdo degmo ee Gobolka Nugaal ee ka harsan doorashooyinkii Golaha deegaannada ee halkaas ka dhacay.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in In la joojiyo dastuur furista Maamulka Puntland, isla markaana 9-ka Urur siyaasadeed ay ka diiwaan-gashan Puntland ay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee Puntland muddo ah shan sanno, kana qeyb galaan doorashada Golaha Wakiilada ay soo socota.

Cumar Cabdirashiid iyo Gaas oo dhowr Qodob kasoo saaray xaalada Puntland
To Top