WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo qabsaday dhul howd ah oo lagu Duqeeyay AS

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ayaa la wareegay dhul howd ah oo kuyaalla duleedka degmada Ruun-nirgood  ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii maalmo kahor halkaasi Al-Shabaab lagula beegsaday duqeyn diyaaradeed.

Duqeynta ka dhacday dhulka howdka ah ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh lagu gaarsiiyay tiro dagaalyahano kamid ahaa Shabaab oo ku sugnaa goobta la bartilmaameedsaday ee la duqeeyay.

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo iskaashanayay ayaa Maanta tagay deegaanka, isla markaana la wareegay gacan ku heyntiisa, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo xusay in ay soo arkeen raadadka khasaaraha ka dhashay.

“Waxaan howlgal qorsheysan kusoo qaadnay howdka degmada Ruun-nirgood annaga oo kasoo dhaqaaqnay Daarunimca, hadda meesha aan taaganahay waa waddada isku xirta Ceel Bacad iyo Ruun-nirgood waxaana soo marnay deegaano badan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee aggaasi Cabdi Taakow.

Al-Shabaab ayaa inta bdan ciidankooda jabhada ah isugu geysa dhul howd ah, halkaas ay ka abaabulaan weeraro xooggan ay ku qaadaan saldhigyo iyo fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaanno iyo degmooyin horey Al Shabaab looga saaray.

Ciidanka Xoogga oo qabsaday dhul howd ah oo lagu Duqeeyay AS
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top