WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo fuliyey howlgal looga jawaabay Weerarkii AS ee Masagawaa

Ciidamada kummaandooska DANAB ee xoogga dalka iyo kuwa Gor-gor ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgalo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa howlgalka oo ahaa mid qorsheysan si gaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Ceel-hareeri iyo Meexaan oo hoostaga degmada Galcad ee gobalka Galgaduud, waxaana howlgalka hogaaminayay saraakiil ka tirsan DANAB iyo Gor-gor.

Saraakiisha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka la fuliyay uu yahay mid ay ciidamada uga jawaabayaan weerarkii dhawaan Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Masagawaa.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli qaybo badan uga sugan gobollada dhexe ee dalka, isla markaana ay doonayaan inay ku gaaran Ceelbuur Galhareeri, Wabxo iyo degaannada kale .

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi laga dareemayo xaalad kacsanaan ah, ayna dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan ciidamada huwanta.

Ciidanka Xoogga oo fuliyey howlgal looga jawaabay Weerarkii AS ee Masagawaa
To Top