WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay deeaano dhowr ah

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay deegaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Ciidamada iskaashanayay ayaa howlgalka si gaar ah ah saacadihii lasoo dhaafay uga sameeyay wadooyinka isku xira gobolada kala ah Baay, Bakool iyo Gedo, halkaasi oo qeybo kamid ah joogeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab.

Dowladda ayaa warka ay soo saartay ku sheegtay in deegaano dhowr ah lalal wareegay, isla markaana ciidamada xoogga iyo kuwa daraawiishta ay burburiyeen saldhigyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay gaadiidka uga qaadi jireen lacago.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay oo qaarkood la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegeen in ujeedka uu ahaa sugida amniga wadooyinka xiriiriya gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay sheegeen in mararka qaar kooxdu ku dhibaateyn jirtay dadka masaafurka ah.

Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay deeaano dhowr ah
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top