WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Somaliland oo Dad isku Qoys ahaa ku xasuuqay Laascaanood

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka kacdoonka shacabka iyo ciidanka Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu weli ka socdaa duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay saakay duullaan kusoo qaaday Somaliland.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada dhinacyada kala gaaray iyo dadka shacabka ee magaalada.

Somaliland ayaa madaafiic ku garaacday guryo ay degan yihiin dad shacab ah, waxaana mid kamid ah madaafiicda uu ku habsaday guri ay ku sugnaayeen Qoys ka koobnaa 7 qof oo ah Hooyo iyo caruurteed, kuwaasi oo durbadii goobta ku naf-waayay.

12 askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland oo uu ku jiro Gaashaanle dhexe Axmed Faarax Dacar Abaanduulihii Guutada Dhufsade, lagu dilay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Laascaanood, sida ay sheegayaan wararka la helayo….

Somaliland ayaa saaka aroornimadii weeraray magaalada Laascaanood, xilli la qorsheynayay shaacinta go’aano ay gaareen isimadda dhaqanka deegaannada SSC, kuwaas oo shir aayo-ka-tashi ah ku lahaa muddo ka badan todobaad magaaladaas.

Dagaalka ay soo qaadeen Somaliland ayaa waxaa looga qabsaday gaadiid nooca dagaalka ee cabdibilaha ah iyo hub, kuwaasi ciidanka kacdoonka ka furteen ciidankii Somaliland ee weerarka soo qaaday.

Ciidanka Somaliland oo Dad isku Qoys ahaa ku xasuuqay Laascaanood
To Top