WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo howlgal ku qabtay Madaxii Qaraxyada Ururka Al-shabaab

Ciidanka Xoogga, gaar ahaan ururka 14-aad, guutada 14-ka Octoober ee ku sugan Magaalada Marka ayaa howlgal ay sameeyeen ku qabtay Aweys Mayow eelaay oo ah, Madixii qaraxyada ugu qaabilsanaa Magaalada Marka.

Ciidamada ammaanka dowladda oo howlgalka si qorsheysan u fuliyay ayaa Aweys Eelaay qabtay, xilli uu ku howlanaa aasitaanka miino uu doonayay inuu waxyeelo ku gaarsiiyo shacabka in Ciidamada dowladda Federaalka ee jooga Marka.

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay oo inta uu socday howlgalka gacanta lagu soo dhigay qaraxyo isugu jira Bamba gacmeedyo iyo Miinooyin uu hoygiisa ku farsameynayay Aweys Mayow Eelaay oo soo qabteen Ciidamada dowladda Federaalka.

Howlgalkaas oo mid qorsheysan ahaa ayay fulintiisa ku guuleysteen ciidanka Xoogga, sida uu Warbaahinta uxaqiijiyay taliyaha ururka 14-aad, Guutada 14October Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye.

Ciidanka Dowladda oo howlgal ku qabtay Madaxii Qaraxyada Ururka Al-shabaab
To Top