WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay Koox hubeysan oo dhibaato lagu qabay

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Ururka 64aad ee Guutada 7-aad ayaa howlgalo gaar ah ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay kusoo qabteen koox burcad hubeysan .

Burcadan hubeysan ee ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa inta badan dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesan jiray gaadiidka safarka ah ee isticmaala deegaanada ay joogeen.

Ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay cabashada shacabka ee ku aadan buracadan dadka xoolahooda iyo gaadiidkaba dhaca u geesta, waxa ayna Ciidamada howlgalo ay sameeyeen ku guuleesteen in burcadan soo xiraan.

Saraakiisha Ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee howlgalka fuliyay ayaa sheegay in burcadan ay gacanta kusoo dhigeen loo gudbin doono laamaha cadaaladda si loo marsiiyo ciqaabta dambiyadii ay gacanta kula jireen .

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka howlgala kooxo burcad hubeysan oo qaarkood yihiin macwiisley iyo kuwa kale oo Ciidanka ka tirsan ,kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba gaarsiiya dadka socotada ah.

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay Koox hubeysan oo dhibaato lagu qabay
To Top