Ciidanka Kumaandoska xoogga dalka ee DANAB ayaa gudaha u galay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Degaankaas oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaali ah ayaa dhowaan waxaa qabsaday Al-Shabaab oo weerar khasaare badan dhaliyey ku qaaday.
Ciidanka DANAB oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceel-baraf kadib markii ay isaga baxeen dagaalamayaasha A-Shabaab oo afka aadiyey deegaano kale oo ka tirsan Gobolka.
Qaar kamid ah dadka deegaanka Ceelbaraf oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegaya in ciidanka DANAB ay degaanka ka wadaan howlgalo amaanka lagu sugayo, iyagoo guri guri u baaraya.
Si kastaba Al-shabaab ayaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe horey uga qabsaday Ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS, wallow Ciidamada ay dib ula wareegeen deegaanadii laga qabsaday.
