WARARKA SOOMAALI

Ciidanka DANAB oo la wareegay deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegay tuulada Ceel-Cali-godle oo hoostagta deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ciidamada oo kaashanayay kuwa deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cali-godle, iyagoona ciidanka burburiyey saldhigyo iyo goobo kale oo dagaalamayaasha Shabaabka ay halkaasi ku lahaayeen.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada howlgalka fuliyay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay sii wadani doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay qorsheynayaan qabsashada deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa hakad galay wixii ka dambeeyey markii kooxda ay ciidanka ku weerartay deegaanka Budbud oo lagu dilay askar badan gaadiid badana ay ku gubeen, waxayna hadda u muuqataa in kaliya ay is difaacayaan.

Ciidanka DANAB oo la wareegay deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab
To Top