WARARKA SOOMAALI

Ciidanka DANAB oo fuliyey howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan ururka 5-aad Guutada 16-aad ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan ku dilay 13 dagaalame oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay tuulada Yaaqdabayl ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Taliyaha Guutada  Guutada 16-aad Danab G/dhexe , Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sidoo u sheegay in howlgalkaas lagu furtay 7 qori oo AK47, hal Qori oo baasuuka ah (RBG) iyo hal qori oo PKM ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysanwaxa ay ka fuliyeen deegaanno badan oo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhuumaalaysanayeen, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil.

Ciidamada DANAB ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya deegaanno katirsan gobolka Jubadda Hoose, dhawwaan ayey aheyd markii ciidamada DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland dileen xubno katirsan Al Shabaab kuna soo bandhigeen meydadkooda Kismaayo.

 

Ciidanka DANAB oo fuliyey howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab
To Top