WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Booliska oo saakay xiray qaar kamid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho

Waxaa saaka oo khamiis ah xiran inta badan waddooyinka waaweyn Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ay yihiin kuwo lugeeynaya, maadaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkaas xiran.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, waxaana Jidadka xiran kamid ah Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wadada ayaa ka xiran laga bilaabo Taaladda Daljirka daahsoon illaa Iskuul Bulusiya, waxaana Ciidanka Booliska ay xitaa saaka dadka u diidan yihiin inay lug ku maraan laga bilaabo Isgoyska Ceel-gaabta illaa Dugsiga Jeneraal Kaahiye, iyadoo ay ku sugan yihiin oo kaliya Ciidamo, xili dadka loo ogolaan jiray in halkaas ay lug ku maraan.

Sababta loo xiray waddooyinka Muqdisho ayaa ah in Maanta Caasimadda ay ka dhaceyso gaar ahaan Dugsiga Booliska ee Jeneraal Kaahiye doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Ciidanka Booliska oo saakay xiray qaar kamid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho
To Top