WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Amniga oo toogasho ku dilay Nin Weerar ka geystay Magaalada Muqdisho

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay degmada Hiliwaa Gobolka Banaadir ku toogtay Nin hubeysan oo weerar ku qaaday Bar-koontarool oo ciidanka Booliska dowladda ku leeyihiin degmadaas.

Taliska Booliska qeybta guud ee Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in Ninka la toogtay iyo laba kale oo la socday, kana tirsan Al-shabaab ay soo weerareen ciidanka ammaanka, isla markaana laga hortegay, sida lagu sheegay War ay Booliska soo saareen.

Saraakiisha Booliska Gobolka ayaa tilmaamay in Ninka la dilay uu watay Qoriga RBG, oo uu ku doonayay inuu ku weeraray Barta koontarool ee ciidamada ku leeyihiin xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

” Kooxda weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee Ciidanku ku sugayaan ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan Ciidanka Booliska, hasa ahaatii Ciidanka ayaa mid kamid tootay, ninka la tooktay ayaana watay Qoriga RBG oo haatan ay la wareegeen Ciidanku ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Bookiska.

Saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir ayaa intaas kusii daray inay ku raad-joogaan oo ay wadaan howlgalo ay ku baadi-goobayaan laba Nin kale oo ka baxsaday goobta, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo batay falal amni darro.

Ciidanka Amniga oo toogasho ku dilay Nin Weerar ka geystay Magaalada Muqdisho
To Top