WARARKA SOOMAALI

Ciidamo farabadan oo Maanta lagu daadiyay waddooyinka Magaalada Hargeysa

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa Maanta lagu daadiyey waddooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland, kadib markii hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ay sheegeen inay dhigayaan banaanbaxyo.

Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa waddooyinka Hargeysa iyaga oo taagan, isla markaana sugaya amniga, maadaama laga cabsi qabo inay dhacaan banaanbaxyo looga horjeedo Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa sheegay inay qabanayaan banaanbax nabadeed oo shacabka ay ku dalbanayaan in doorashada la qabto waqtigeeda, isagoona xusay in shacabka ay soo bandhigi doonaan dareenkooda.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeyey inuu ka danbeeyo qorshaha dib u dhigista doorashada madaxtooyada Somaliland ee loo asteeyey inay qabsoonto 13-ka bisha Novembar ee sanadkan 2022.

Xubnihii guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliland qaban qaabinayay ayaa dhammaantood is casilay, waxa ayna xubnahan uu markii horaba intooda badan keenay Madaxweyne Muuse Biixi shaqada ka tageen xilli doorashada soo dhawaatay.

Ciidamo farabadan oo Maanta lagu daadiyay waddooyinka Magaalada Hargeysa
To Top