WARARKA SOOMAALI

Ciidamadii ku dagaalamay gudaha Garoowe oo saaka la kala qaaday

Xaalada magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa saaka dagan, kadib markii shalay dagaal xooggan uu ku dhexmaray ciidanka ammaanka maamulka Puntland iyo ciidanka taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee halkaas jooga.

Isimada dhaqanka Puntland ayaa waan-waan ka dhex bilaabay dhinacyadii ku dagaalamay Garoowe, isla markaana xalay ku dhawaaqay xabbad-joojin, inkastoo saqdii dhexe ee xalay mararka qaarkood la maqlayay rasaas goos-goos ah oo dhaceysa.

Sidoo kale Isimada dhaqanka ayaa ku guuleystay inay gudaha magaalada Garoowe ka saaraan ciidanka hubeysan ee taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana sidoo kale ciidanka amniga Puntland ee soo galay magaalada iyaguna dib loogu celiyay xeryahooda.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Garawe ayaa sii kordhaya, in ka badan 20 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka, halka tiro qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxda dowladda Federaalka iyo Isimada dhaqanka SSC ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka salka ku haaya dib u furista Dastuurka Puntland, iyagoona Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo mucaaradka ka dalbaday inay khilaafkooda wada-hadal iyo nabad ku dhammeeyaan.

Ciidamadii ku dagaalamay gudaha Garoowe oo saaka la kala qaaday
To Top