WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Ukraine oo soo riday Diyaarad ay lahaayeen Milateriga Ruushka   

Wasaaradda Difaaca Ukraine ayaa sheegtay inay diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Ruushka oo nooceedu  ahaa Su-34 fighter-bomber lagu soo riday meel ku dhow Magaalada Volnovakha.

Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ayaa waxaa lagu xusay inay Duuliyayaasha diyaaradda uu ku geeriyoodeen  burburka Diyaaradda la soo riday.

Qoraalka Wasaaradda Difaaca Ukraine ayaa waxaa kaloo lagu muujiyey inay diyaaradaha Ruushka ay Duqeymo Bahalnimo ah ka geystaan goobaha Rayidka iyo Kaabayaasha Magaalooyinka.

Mar sii horeysay, Ciidanka Difaaca Cirka ee Ukraine waxay sheegeen inay Diyaarad Dagaal oo ay Milliteriga Ruushka lahaayeen ku soo rideen Deegaanka Irpin oo u dhow Caasimadda dalkaasi ee Kyiv.

Diyaaradda la soo riday waxa uu nooceedu ahaa Sukhoi Su-30.

Ciidamada Ukraine oo soo riday Diyaarad ay lahaayeen Milateriga Ruushka   
To Top