WARARKA SOOMAALI

Ciidamada NISA oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey deegaano

Cidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgalo ka sameeyay deegaanada haanooy ,Dooryaaley iyo Abashiiro oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

dhanka kale Howlgalkan qorsheysan ayaa waxaa horkacayay Taliye ku-xigeenka NISA Ee Gobolka Gedo Gashaale Cabduqaadir Xuseen Ibraahim Iyo Taliyaha Nabadsugida degmadaas.

Kadib Cabasho iyo dalabaad dadka deegaanka ka yimid kuwasoo ah Dhibaatooyin la xiriiro ururka Al Shabaab.

Howlgalkaan ayaa ku soo beegmayo, xilli Dagaalo Culus ay ka socdaan xuduuda u dhexeeyso Somaaliya iyo Itoobiya, waxaana dagaalkaas oo ah mid culus u dhexmarayaa Al-shabaab iyo Ciidanka Liyuu Boolis ah, dagaalka ayaa geystay khasaaro aad u farabadan.

Ciidamada NISA oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey deegaano
To Top