WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Haramcad oo Burburiyey Maxkamad ay lahaayeen Al-Shabaab

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana howlgalkaasi uu socday muddo kooban.

War lagu baahiyey Wakaalada Wararka Soomaalieed ee SONNA ayaa lagu sheegay in howlgalka ka dhacay Shabeellaha Hoose ay ciidanka Haramcad ay ku burburiyeen Maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan degmada Afgooye

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidan oo kale hore u burburiyay maxkamado ay kooxda ku laheyd duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaano kale, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay bulshada caasimada.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin, waxaana xusid mudan inay dhacayaan weerar ay Al-Shabaab ku qaadeyso saldhigyada ciidamada.

Ciidamada Haramcad oo Burburiyey Maxkamad ay lahaayeen Al-Shabaab
To Top