Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumaandooska DANAB oo ay wehliyaan Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ah ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.
Ciidamada dowladda ayaa laba todobaad ku sugnaa deegaano dhow Cali Guduud oo mar dagaalo culus kula galeen dagaalamayaashii Al-shabaab ee ku sugnaa halkaas, isla markaana markii dambe isaga baxay deegaanka oo lagu duqeeyay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shalay u dirtay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo GORGOR.
Ciidankan ayaana dowladda ugu tala gashay in si buuxda ula wareegaan deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in ciidamada kumaandooska xalay ilaa saakay ay wadaan howlgalo miino baaris ah.
Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa dagaalka ka sokow waxaa ka dhacay duqeymo culus oo lagu garaacay dhufeesyada Al Shabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab.