WARARKA SOOMAALI

Catriona Laing oo sheegtay in weli Somalia ay ka jirto xaalad khatar ah

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, oo ka hadashay kullankeedii ugu horeeyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in intii ay ku jirtay safarradii ay ku soo martay Soomaaliya labadii toddobaad ee ugu horreysay in ay indhaheeda ku soo aragtay horumarka baaxadda leh ee uu dalku ka sameeyay dhinaca Dowlad-dhiska iyo nabad-dhiska.

Ergeyga oo hadalkeeda sii wadata ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay horumarinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, oo ay ka mid yihiin magacaabista guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka, meel marinta 11 sharci, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday Puntland.

Waxay intaa ku dartay in xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ah, taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha, isbeddelka cimilada iyo yaraanta taageero dhaqaale.

Sidoo kale, Catriona Laing  ayaa ku boorisay in la taageero 8.25 milyan oo qof oo u baahan gargaar, iyadoo muujisay baahida loo qabo xalal waara.

Catriona Laing oo sheegtay in weli Somalia ay ka jirto xaalad khatar ah
To Top