WARARKA SOOMAALI

Cali Jeyte oo Maanta loo doortay Madaxweynaha KMG ah ee Hiiraan State

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ka dhacday doorasho la sheegay in Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Hiiraan State loogu doortay Cali Jeyte Cismaan oo ahaa Guuddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee dhawaan xilka qaadista lagu sameeyay.

Doorashada ka dhacday Baladweyne ayaa waxaa sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Hiiraan State loo doortay Axmed Cismaan Cabdalla Inji, waxaana doorashada halkaasi ka qabsoontay goobjoog ka ahaa laba Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Madasha ay doorashada ayaa waxaa soo buux-dhaafiyay qeybaha kala duwan Baladweyne oo sheegay inay sameeysanayaan maamul ka madax banaan kan dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Cali Jeyte oo doorashada kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono habacsanaanta maamul oo ay tabanayaan dadka reer Hiiraan.

”Dhamaan Beelaha Hiiraan ayaan isku keenaynaa maamul ay iyaga lee yihiin’ ayaa dhisaya, malinkasta mana lagu xisaabtamaayo Hiiraan anaa Hogaaminaa oo Alshabaab ka  saara, anoo warqad maskiin ah ku jooga ayaan amniga wax badan ka qabtay adinkoo i doortayna ka badan ayaan qaban doona” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabelle oo ku aadan doorashada maanta ka dhacday magaalada Baladweyyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana tallaabadan ay uga sii dareysaa xiisada ka taagan Gobolkaasi.

Cali Jeyte oo Maanta loo doortay Madaxweynaha KMG ah ee Hiiraan State
To Top