WARARKA SOOMAALI

Caleema-saarka Xasan Sheekh oo Maanta dhacaya iyo Madax ka qeyb galeysa

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacaysa Teendhada Afisyooni.

Munaasabadda dhaceysa ayaa kulmindoonta Madaxweyneyaal, hoggaamiyeyaal, mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururrada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Sidoo kale, magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhaqan-galay bandow ay ku soo rogtay dowladdu oo bilowday 10:00 habeenimo kaas oo lagu xoojinayo Amniga guud ee magaalada.

Madaxda iyo wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

Caleema-saarka Xasan Sheekh oo Maanta dhacaya iyo Madax ka qeyb galeysa
To Top