WARARKA SOOMAALI

Burcad dhibaato ku heysay shacabka xaafad ka tirsan Muqdisho oo la qabtay

Ciidamada Ammaanka degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay xalay Xaafada Raadeerka ee degmadaas ku qabteen rag Burcad ah oo dhac u geysanayay dad Shacab ah.

Ragga Burcadda ah oo laba ah ayaa mid kamid ah wuxuu ku labisan yahay dharka Ciidanka Millateriga, waxaana xilliga la qabanayay ay Xaafada Raadeerka ku dhacayeen dad Shacab ah.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Deeyniile ayaa sheegay in raggaan la qabtay iyo kuwo kale maalmihii la soo dhaafay laga raad joogay kadib markii xogtooda la helay oo dad badan ay horay u dhaceen.

Dadka Shacabka ee kunool Xaafada Raadeerka ee degmada Deeyniile Gobolkan Banaadir ayaa soo dhaweeyay qabashadan ragga Burcadda ah, iyaga oo sheegay in habeenadii la soo dhaafay ay dhac ku hayeen.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada Ammaanka degmada Deeyniile ay Xaafada Raadeerka ku qabteen Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay, hayeeshee waxaa weli jira cabasho ka taagan xaafadaha kale ee degmadaas.

Burcad dhibaato ku heysay shacabka xaafad ka tirsan Muqdisho oo la qabtay
To Top