WARARKA SOOMAALI

Boqoraddii Ingiriiska Queen Elizabeth Il oo Caawa ku geeriyootay UK

Boqorad Elizabeth Il oo ahayd bogorrada ugu muddada dheer UK avaa ku geeriyootay Balmoral, iyadoo 96 jir ah, muddo 70 sano oo ay xukunka haysay kaddib.

Qasriga Buckingham ayaa shaaciyay geerida boqorrada.

Raysal wasaaraha cusub ee UK Liz Truss oo ka hadlaysay bannaanka xafiiska Downing Street ayaa tiri “dhammaanteen waan ka xunnahay warka ku saabsan dhimashada boqoradda, taas oo naxdin weyn ku ah qaranka iyo adduunka oo dhan”.

Waxay boqoradda ku tilmaantay “Aas-aas ay Britain-ta casriga ah ku dhisneyd”, iyadoo raacisay: “Britain waa dal weyn maanta iyada darteed.”

Markii uu soo baxay warka ku saabsan geerida Boqorada ee qasriga Balmoral, tuulada Ballater oo u dhow qasrigaas ayaa gashay waqti aamusanaan ah.

Boqoraddii Ingiriiska Queen Elizabeth Il oo Caawa ku geeriyootay UK
To Top