WARARKA SOOMAALI

Booliska oo faah faahin ka bixiyay Qaraxyo lagu fashiliyay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo ay wadeen dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab, kuwasi oo sida ay sheegeen si gaar ah u beegsan rabay Rugta Codka Cali Siyaad ee Ciidamada Boliis Milatari ee waaxda kurdamac Deg/Deyniile.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu yiri “abaaro 11:30 Barqanimo ayay Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Fashiliyeen Qarax Miino oo ay ALshababaab ku dhex diyaariyeen weelka Kululaysada loo yaqaan, Kaas oo ay soo dhigeen Rugta Codka Cali Siyaad ee Ciidamada Boliis Milatari ee waaxda kurdamac Deg/Deyniile”

Ciiddanka miino baarista booliiska Soomaaliya oo gaaray goobta miinada la dhigay ayaa ku guuleestay in ay fashiliyaan qaraxaasi, ciidanka ayaana kala fur furay miinadii la diyaariyay.

Qaraalka kasoo baxay Booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaybta Miinooyinka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee MBB-yada, oo goobta gaaray ayaa fashiliyeen  Qaraxaasi la damacsanaa Shacabka & Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay Miinadaas, sida ay sheegeen Booliska Soomaaliya.

Booliska oo faah faahin ka bixiyay Qaraxyo lagu fashiliyay Muqdisho
To Top