WARARKA SOOMAALI

Booliska Muqdisho oo soo saaray Amar culus & halista Saraakiisha Ciidanka

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo lagu mamnuucay in waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dhex wato gaadiid aan taariko laheyn.

Booliska soo saaray Qoraal ayaa ku shaaciyay in wixii ka danbeeya Maanta oo ay taariikhada tahay 18-06-2024 aan la ogolaa doonin in gaadiid bilaa taariko ah lagu wato maraya wadooyiinka caasimadda iyo deegaano ku dhow Muqdisho.

Shacabka iyo gaadiidleyda ayey Booliska ogeysiiyeen, iyagoona intaas kusii daray in tallaabo laga qaadi doono baabuurta aan ku xirneynin taargada  ”Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu ogaysiinayaan shacabka ku nool caasimadda iyo hareeraheeda laga bilaabo maanta oo ay taariikhada tahay 18-06-2024 aan la ogaleyn gaadiid bilaa taariko ah oo maraya wadooyiinka caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka booliiska.

Baabuurta aan taargada laheyn ayaa inta badan waxaa istimaala ciidamada, saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda, kuwaa oo inta badan ka cabsada in la aqoonsado baabuurta ay wataan, waxaana aad u yar in shacab wataan baabuur aan taargo laheyn.

Booliska Muqdisho oo soo saaray Amar culus & halista Saraakiisha Ciidanka
To Top