WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo walaac darran ka muujisay dib u dhaca Doorashada, xili weli…

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee daba socotay kulankii Golaha Wadatashiga Qaran ee 11 ka Nofeembar iyo ballan qaadka hoggaamiyeyaasha ee dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ugu dambeyn dhammaadka Diseembar 2021.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay weli si weyn uga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid, waxa ayna ku boorriyeen hoggaanka Soomaalida, ee dhammaan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka.

Saaxiibada ayaa tilmaamay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha caalamka, durbaba la heli karo si loo dhammeystiro qeyb weyn oo ka mida doorashooyinka Golaha Shacabka.

“Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebteembar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

“Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda” ayaa lagu gaba-gabeeyay Qoraalka.

Beesha Caalamka oo walaac darran ka muujisay dib u dhaca Doorashada, xili weli…
To Top