WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo farriin u dirtay dhinacyadii ku dagaalamay Garoowe

Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda magaalada Garoowe iyo ‘saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah’ sida lagu shegay war-saxaafadeed ay soo saareen goor dambe oo xalay ah.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka” ayaa lagu yiri Bayaankan ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa intaas kusii daray “Khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan waxay halis gelinaysaa natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.”

Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo shalay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Beesha Caalamka oo farriin u dirtay dhinacyadii ku dagaalamay Garoowe
To Top