WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Beesha Caalamka oo Dalab Deg-deg u dirtay Madaxda Dowladda iyo DG

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya, kadib War-saxaafadeed wadajir ah oo Wakiilada  Beesha Caalamka soo saareen fiidnimadii xalay.

Wakiilada ayaa ku booriyey Madaxda dowladda Federaalka, iyo kuwa dowlad Goboleedyada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shacabka ka-hor dhamaadka 2021-ka

Beesha Caalamka ayaa tilmaamtay in la ilaaliyo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba, iyagoona sidoo kalen ugu baaqay maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee harsan si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare.

“Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada” ayaa lagu yiri Warka Beesha Caalamka.

Intaas ayaa waxaa kusii dareen Beesha Caalamka “Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaqayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka”.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Beesha Caalamka oo Dalab Deg-deg u dirtay Madaxda Dowladda iyo DG
To Top