WARARKA SOOMAALI

Banaanbax looga horjeeday Somaliland oo Maanta ka dhacay Ceel-Afweyn

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa Maanta waxaa ay gudaha magaalada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ku dileen qof shacab ah oo lagu magacaabi Abuukar Cumar Cali oo kamid ahaa dadka deegaanka, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Dilka kadib, ayaa waxaa bartamaha magaalada Ceel-Afweyn ka bilowday banaanbax rabshado watay oo ay dhigeen dadweyne farabadan oo isugu jiray haween, dhallinyaro iyo odayaal, kuwaasi oo ka careysnaa dilka ay Ciidanka Somaliland u geysteen Ninkaas.

Dadka dhigaayay banaanbaxa oo watay calanka Soomaaliya ayaa taayaro waaweyn ku gubayay waddooyinka Ceel-Afweyn, isla markaana waxaa ay laamiga ku xireen biro, iyagoona diiday inay maraan gaadiidka ka dhex shaqeeya halkaasi.

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland oo tagay goobta uu ka socday banaanbaxa ayaa rasaas ku kala eryay dadkii dhigaayay dibadbaxa, kuwaasi oo ku qeylinayay erayo ka dhan ahaa Somaliland, iyagoona dadka sheegay inay ka xun yihiin dilka Abuukar Cumar.

Degmada Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag ayay mudo dheer ka socdeen dagaalo soo noqnoqday oo beelaha deegaanka wada daga marar badan dhexmaray, waxaana banaanbaxaan oo kusoo aaday, xilli banaanbaxyo kale oo looga horjeeday ay dhawaan ka dhaceen magaalada Laascaanood oo laga saaray ciidankii maamulka Somaliland.

Banaanbax looga horjeeday Somaliland oo Maanta ka dhacay Ceel-Afweyn
To Top