WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay wax- ka-bedelka Dastuurka Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Garoowe, waxaana kulanka guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibril oo ay weheliyeen labadiisa Guddoomiye ku-xigeen.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane.

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka.

Tallaabada wax ka bedelka loogu sameeyay Dastuurka Puntland ayaa waxa ay kusoo aaday, iyadoo maanta xaafaddo ka tirsan magaalada Puntland ay ku dagaalameen ciidanka ammaanka Maamulka iyo ciidamo taageersan mucaaradka Madaxweyne Deni.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux oo shacab ayaa ku dhintay dagaalkii ka dhacay Garoowe, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii loola cararay isbitaalka, si xaaladdooda caafimaad loogu dabiibo.

Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay wax- ka-bedelka Dastuurka Puntland
To Top