WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah leh & Dood adag oo taagan

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo sabti ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Sabti ah in uu jiro kulanka, isla markaana Ajandaha Kulanka Maanta uu yahay:

Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka.

Hindise-Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhirbeereedka.

Dhinaca kale qaar kamid ah Xildhibaannada  Golaha Shacabka ayaa ka hadlayaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka sida cabashooyinkii kasoo yeeray Darawalada Mootooyinka Bajaajta iyo Ganacsatada canshuurta lagu kordhiyay.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa dhawaan banaanbax ballaaran ka dhigay dhallinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, kuwaasi oo ka cabanayay canshuur kordhin ay ku sameeysay dowladda, iyagoona sheegay in aysan awoodin lacagta xad-dhaafka ee lagu soo rogay bixinteeda.

Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah leh & Dood adag oo taagan
To Top