Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Ka-fadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga oo ay soo xaadireen 45 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2022 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey.
Dood dheer ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa cod Aqlabiyada ah ku ansxiyey Miisaaniyadda sannadka 2022 taasoo dhan $354,093,039.
Dhinaca kale, Golaha ayaa qeybiyey wax-ka-bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershaha Puntland, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo Akhhriska 2aad ku soo samaynaya xeerka, waxaana Golaha la horkeeni doonaa 27 Nofeember 2021,
Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland ayaa maalmo kahor ansixiyey Miisaaniyadda Maamulka ee sanadkaan 2022 oo ka kooban $354,093,039, taas oo ay gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas.