WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Carabta oo War kasoo saaray Qarax ay Al-Shabaab ku burburisay Masjid

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii ay Al-Shabaab dhawaan ku burburisay Masjid ku yaalla deegaanka Daaru Nicma ee hoostaga degmada Runir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Jaamacadda Carabta ayaa falkaasi ku tilmaantay dembi fool xun oo ka dhan ah damiirka aadanaha, kana soo horjeeda shareecada Islaamka, waa sida lagu sheegay Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta,

Sidoo Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab aysan diin lahayn, iyaga  oo carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dhammaan dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamaysao  waxa loogu yeero Argagixisada.

Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab siinayaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, iyadoo muddadii uu socday laga gaaray guulo la taaban karo.

Al-Shabaab ayaa jimcihii todobaadkii lasoo dhaafay qaraxyo ku burburisay Masjid ku yaalla deegaanka Daaru Nicma ee hoostaga degmada Runir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

 

Baarlamaanka Carabta oo War kasoo saaray Qarax ay Al-Shabaab ku burburisay Masjid
To Top