WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Carabta oo si kulul uga hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Qaraxyada ee habeenkii jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday Hotelka Pearl Beach ee ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho .

Adel bin Abdul Rahman Al-Assoumi Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, ayaa uga tacsiyeeyay madaxda dowladda, Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliya dadkii ku dhintay weerarkii ee lagu bartilmaameedsaday hotelka oo ay ku sugnaayeen dad badan.

Guddoomiye Al-Asuumi ayaa sheegay in Baarlamaanka Carabta ay garab taagan yihiin Soomaaliya, lana dareemayaan dhacdadan xanuunka badan, isagoo Alle uga baryay intii ku dhaawacantay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, intii ku dhimatayna uu u naxariisto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay mowqifkiisa adag ee ku aaddan in Soomaaliya laga taageero dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, isagoo dhanka kale bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka  socda.

Weerarkii  Qaraxyada ku bilowday ee lagu qaaday Hotelka Pearl Beach ee ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 10 ruux oo isugu jiray shacab iyo Askar, waxaana mas’uuliyada weerarka oo socday saacado xiriir ah sheegatay Al-Shabaab.

Baarlamaanka Carabta oo si kulul uga hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho
To Top