Baarlamaanka Carabta ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee xalay Xildhibaannada Golaha Shacabka ku doorteen Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Baarlamaanka Carabta Caadil Bin Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay xoojineysoxiriirka Carabta iyo Shacabka Soomaaliyeed.
“ Waxaa sharaf ii ah aniga oo ku hadlaaya Magaceyga iyo Magaca Golaha Baarlamaannada Carabta waxaa hambalyo gaar ah u direeynaa doorashadii uu kusoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe” ayuu yiri Guddoomiye Caadi.
Wuxuu intaas Qoraalkiisa kusii daray Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta “Waxaan Alle uga baryeeynaa in uu waajibaadkiisa u guto si ay mas’uuliyad kujirto. uguna adeego Shacabka Somaaliyeed si wanaagsan”….
