WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe oo sheegay in la qabanayo Doorashada kuraasta taalla Garbahaarey

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa Xarunta Madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Xildhibaanada laga soo doortay Jubaland ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kuraasta dhiman ee Gobolka Gedo iyaguna dhawaan lasoo dooran doono isla markana matalaad la’aan ayna noqon karin dadka ree Jubaland ee gobolkaas ku nool.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo iyadoo la kaashanayo xildhibaanada kale ee kasoo baxay qeybaha kale ee dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay hada tahay meel aan la kala saari Karin Hay’adaha amniga Dowlada iyo Al-shabaab isla markana ay si weyn iskugu milmeen loona baahan yahay in Xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda.

Ugu danbayntii Madaxweynahu wuxuu sheegay in si guud dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Cusuba ay saaran tahay masuuliyad weyn oo la xiriirta samata bixinta dalka.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Labada Madaxweyne ku xigeen iyo gudoonka Baarlamaanka Jubaland.

Axmed Madoobe oo sheegay in la qabanayo Doorashada kuraasta taalla Garbahaarey
To Top