Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magacaabay Wakiil la sheegay inuu Maamulkiisa u joogi doono magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu magacaabay Sadik Abdullahi Bogale inuu noqdo Wakiilka Maamulka Jubbaland ee arrimaha dowladda Kenya.
Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn aad u xoogan, ayada oo dadweynuhu ay su’aallo ka keeneen magacaabista uu sameeyay Axmed Madoobe, maadaama uu dalku leeyahay dowlad dhexe oo mas’uul ka ah dalka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee caalamka.
Wareegtada magacaabista ee uu saaray Madaxweynaha ayaa u qorneyd sidaan:
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Jubaland,Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad , Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.
Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Jubaland.
Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka Dowladda Jubaland u Jooga Dalka Kenya.
Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.