WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe iyo AFRICOM oo ka shiray howlgalka lagula dagaalamayo AS

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley iyo wafdi saraakiil Mareykan ah uu hoggaaminaayay ayaa Maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Sarakiisha Howlgalka AFRICOM, ATMIS, Sarakiisha Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada xooga dalka oo uu Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka qabsoomay Kismaayo.

Kulanka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay hadlay xaalada guud ee Amniga iyo bilowga wajiga labaad ee howlgalka dalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab, Madaxweynaha Jubbaland ayaa Taliyaha iyo wafdigiisa uga mahadceliyay socdaalkooda.

Axmed Madoobe iyo AFRICOM oo ka shiray howlgalka lagula dagaalamayo AS
To Top