Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Sool ayaa maanta kormeeray Taliska Goojacade oo ahaa Saldhigii ugu weynaa xarumaha lagala wareegay Maamulkii Somaliland ee laga saaray Gobolka Sool.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray xarumaha kala duwan ee Taliska Goojacade, Kadibna wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka ee halkaasi ku sugan Hadda, isagoo ku boggaadiyey guusha ay usoo hooyeen dadkooda iyo deegaankooda.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa kormeerka kaddib kulan la qaatay saraakiisha ciidanka ee halkaasi ku sugan Hadda, isagoo ku boggaadiyey guusha ay usoo hooyeen dadkooda iyo deegaankooda.
Dagaalkii bilooyinka ka socday magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda ayaa soo dhammaaday, kaddib markii ciidanka Somaliland dagaal looga saaray saldhiggii Goojacadde oo aheyd taliskii ugu weynaa ee maanulka Somaliland ku lahaayeen gobolka Sool.