WARARKA SOOMAALI

Axmed Karaash oo la wareegay xilka Maadxweynaha Puntland iyo Shir qabsoomay

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xalay shaaciyay inuu la wareegay xilka Madaxweynaha Puntland ayaa Maanta Guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Maamulka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan inta badan Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo kamid yihiin Amniga guud, xaalada Dekeda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale.

Inta uu socday Shirka ayaa waxaa Warbixino looga dhageystay Wasiiro ka tirsan Puntland, isla markaana waxaa sidoo kale Wasaaradda amniga ay ka warbixisay xaaladda guud ee amniga deegaanada Maamulkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Golaha Wasiirada Maamulka faray inay dardar-geliyaan howlaha horyaalla, ayna sii laba jibaaraan shaqooyinka ay u hayaan Maamulka iyo shacabka.

Axmed Karaash ayaa xalay shaaciyay inuu si KMG ah ula wareegay xilka Madaxweynaha Puntland, kadib markii Madaxweynaha Maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni uu isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa isaga oo Musharax ah ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isla markaana ka wada oloihiisa doorashada ee ku aadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Karaash oo la wareegay xilka Maadxweynaha Puntland iyo Shir qabsoomay
To Top